Waaxda Xidhiidhka dadwaynahan ayaa bilabay Qiimaynta 6dii bilood
- somaliprosperity51
- Mar 3
- 1 min read
Waaxda Xidhiidhka dadwaynaha iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Xisbiga barwaaqo ayaa bilabay Qiimaynta warbixinta waxqabadka 6dii biloodee lasoo dhaafay.
Waaxda xidhiidhka dadweynaha iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Xisbiga Barwaaqo sooranka ayaa magaalada samara ee deegaanka canfarta uu uga furmay saka qiimeyanta warbixinta waxqabadka 6dii biloodee lasoo dhaafay.
Madaxa waaxda xidhiidhka dadwaynaha iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Xisbiga Barwaaqo Dr. Bikila Hurisa oo madasha qiimeyanta hadal furtan ah ka so jediyay ayaa shegay in ay waaxdan tahay afayeenka iyo furaha hirgalinta hadafka iyo yoolka siyaasadeed iyo kan dhaqan dhaqaale ee Xisbiga Barwaaqo ee dalka loona baahan yahay in ladardar galiyo shaqooyinka xidhiidhka dadweynaha iyo Arrimaha warbaahinta ee dalka, Islamarkaana ay waaxdu ka midho dhaliso shaqooyinka loo igdmaday .
Shirkan qiimeyanta oo socon doona mudo laab malmood ah aya waxa ka so qayb galay waaxaha xidhiidhka dadweynaha iyo xidhiidhka calaamiga ee xisbiga barwaaqo oo ka kala socda dhamaan deegaanada dalka iyo labada maamul magaalo ee addis ababa iyo dir dhaba.
Waxaa la filayaa in warbixinta 6-da bilood ee ay qabteen waaxaha, natiijada shaqo iyo waayo aragnimada Xisbiga ee Deegaanada kala duwan lagu soo bandhigi doono qaab warbixin ah oo ku saabsan madasha qiimaynta.

Comments