top of page

Shir-weynaha dib-u-habaynta iyo dhismaha nidaamka hay’adeed ee magaalooyinka dawladaha

  • somaliprosperity51
  • Mar 25
  • 1 min read

Shir-weynaha dib-u-habaynta iyo dhismaha nidaamka hay’adeed ee magaalooyinka dawladaha hoose oo halkudheg looga dhigay; Waxaan abuuraynaa magaalooyin ka jawaabi kara baahida ka jirta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha aas-aasiga ah ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.


Kulankan oo uu soo diyaariyay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS ayaa waxaa kasoo qayb’galay Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxwayne kuxigeenka, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, Mudane Axmed Shukri, masuuliyiinta maamulada, gobollada, maamul magaalooyinka iyo degmooyinka deegaanka.


Madaxweynaha ayaa sheegay in daraadaad la sameeyay uu qeexayo in dib-u-habayntani ay sahli doonto in lasoo xareeyo dakhli dhan 1 Bilyan oo Birr.

Xukuumadda ayaa isbaddalkii kaddib muhiimad gaara siisay dhanka horumarinta magaalooyinka, iyadoo shaqooyin la taaban karo laga qabtay, maalgelinta mashaariicaha kala duwan ee maamul-magaalooyinka, iyadoo dhanka kale soo saartay xayn-daabyo sharci ah oo lagu sii xoojinayo dhaadhicinta iyo adkaynta nidaamka hay’adeed ee maamulada magaalooyinka iyo kuwa dawladaha hooseba.





Comments


bottom of page