top of page

Madaxweynaha DDS Ayaa Xadhiga Ka Jaray Sky Hotel

  • somaliprosperity51
  • Mar 3
  • 1 min read

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar Ayaa Xadhiga Ka Jaray Sky Hotel and Suites Oo Ay Ku Baxday Adduun Lacageed oo dhan 650 Milyan oo Birr.

Hoteelkan waxaa maalgeliyay Axmed-Yaasiin, oo ah ganacsade udhashay deegaanka soomaalida, oo maalgashiyo kala duwan ka sameeyay deegaanka. Billowgii hayaankiisa maalgashi waxa uu kasoo bilaabay beer ku taala Dhagaxle, oo uu ka beeray noocyada kala duwan ee waxsoosaarka beeraha; Beertaas oo markii danbe noqotay beer weyn oo dalxiis iyo booqashaba loo geeyo marti sharafta xukuumadda iyo shaqsiyaadka gaarka ah ee la maamuusayo.

Madaxweynaha oo dhiirrigeliyay cid kasta oo maalgashi ka samaynaysa deegaanka ayaa xusay in dawladdu ay taageerayso, una fududaynayso adeegyada ay ubaahanyihiin maalgashadayaashu, Axmed-yaasiinna uga mahadnaqay doorkiisa maalgashi.





Komentáře


bottom of page